
BARASHADA AF SOOMAALIGA Cabdifatax M. Yusuf |
|
| Hordhac
Ugu horeyn waxaa mahad iska leh ilaahayga adduunyada oo dhan abuuray. Ilaahayga caafimaadka iyo caqliga igu manaystay aan ku awooday in aan ku qoro buuggan af Soomaliga ah. Buuggan waxaan ugu tala galay in ay ka bartaan luqada af Soomaaliga ardayda Soomaaliyeed ee ku koraya waddamada shisheeye. Waxaan u arkay in ay waajib ku tahay aniga iyo inta kala ee nasiibka u heshay in ay luqaddooda iyo dhaqankood ku barbaaraan, in ay iyaguna u sii gudbiyaan ubadka Soomaliyeed ee aan nasiibka u helin in ay ku ababaan kuna noolaadaan dhul lagaga hadlo afkooda aabe iyo hooyo. Buuggan waxaa wax ka baran kara ardada af Soomaaligu bilawga u yahay iyo weliba kuwa ka gudbay bilawga ee sii wadanaya barashada af Soomaaliga. Waxaa kale oo buuggan wax ka baran kara cid alla ciddii jecel ama doonaysa in ay barato luqada Soomaaliga ee aan asalkoodu Soomali ahayn. Waxa uu buugani ardada ka caawin doonaa barashada qorista, ku hadalka, iyo weliba akhriska af Soomaaliga. Waxaan ilaahay uga rajaynayaa in uu u fududeeyo inta rabta in ay wax ka bartaan ama wax ka dhigaan buuggan. Waxaan aad ugu mahad naqayaa dhammaan intii gacanta ka gaysatay qorista buuggan oo aanan halkan magacyadooda ku soo koobi karayn. Kuwaas oo igala qayb qaatay sixitaanka, qoraalka iyo isku duba ridka buuggan. Waxaan jeclahay in aan mahad gaara u celiyo Cabdinasir M. Xaji Nur oo qayb weyn ka qaatay ururinta sawirada ku yaala buuggan, iyo Fosiya Maxamud Cali oo tarjumaadda faransiiska iga caawisay. Waxaan kale oo aan mahad ballaaran u celinayaa dhammaan ardaydii dugsiga Al-Khulafa, oo aan jeclaan lahaa in aan qaar badan oo ka mida xuso hasa yeeshee ka badan kuwu hordhacan yar lagu soo koobo, kuwaas oo ahaa ardaydii aan u dhigi jiray luqada af Soomaaliga oo runtii ahaa kuwii igu dhaliyey qoritaanka buuggan. Dhammaan casharada uu buuggani ka koobanyahyna waa casharadii aan ka bixiyey dugsiga Al-Khulafa Sanadkii 1999. Waxaa buuggan qaybtiisa ugu danbaysa ku yaalla qaamuus yar oo erayada
af Soomaliga ah ee buugga ku jira badankooda u tarjumaya luqooyin kala
duwan, sida ingriisi, faransiis.
U HIBEEYA
|
Haddii aad u baahan tahay buuggan Aftahan,
fadlan wixii faahfaahin nagala soo xiriir: scerdo@scerdo.com
Tel:
(613) 292-8636, (613)
724-6295 or address: 203-151 ParkdaleOttawa, OntarioY 4V8, Canada