Warbixino Waxbarashada Hawd

 
Warbixinta 1aad 

Ku: SCERDO 

UJ: WARBIXIN KOOBAN OO KU 
      SAABSAN WAXABARASHADA 
      DEEGAANKA HAWD 

Walaalayaal: 

 Halkan waxaanu iddinku soo gudbinanaynaa salaamad iyo hambalyo, haddii aad tihiin xoogsatada debedda ka xoogsata ee reer Buuhoodle cid hore gacan noo siin jirtay iyo cid hadda diyaar u ahba gaar ahaan walaalahayagaii hore gacanta na siin jiray nooga soo diray Kanada, Amerika, Holand, Ingiriiska, iyo Khaliijkaba inkastaba awoodu ha noqoto, waxaanuna ilaahay idiinka rjaynaynaa sida aad hawlahayaga noogu dhiirigelisaan in hawlihiina allaha awoodda lihi idiin fududeeyo. 

 Intaas dabadeed waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin kooban oo ku saabsan waxbarashada iyo dugsiyada deegaanadan ilaa iyo sanadihii 1992dii ilaa sanadkan labada kun. Dugsiyada ka furan deegankan waa kuwan hoos ku qoran: 
1) Dugsiga Hoose/dhexe ee Buuhoodle 
2) Dugsiga Farsamada Haweenka 
3) Dugsiga Hoose/dhexe ee Beesha Widh-widh 
4) Dugsiga Hoose/dhexe ee Xadhadhank. 
Dugsiyadan waxaa wax ku barta arday gaaraysa 650 arday oo asaasi ah. 

Dugsiyada deegaanka waxa ka hawlgala dad (barayaal) aqoon u leh iyo shaqaale adeegaga waxbarasho kala qayb qaata oo si tabaruca ah ugu adeega bulshadooda dawlad la’aanta ah. Waxaa kaloo waqtigan aad arkaysaa dugsiyada quraanka iyo waxbarashada diinta oo ka socota magaalooyinka iyo miyigaba. 
Walaalayaal kaahaas waxbarasho ma jiraan cid si joogta ah gacan ugua gaysataa ha noqoto Dawlad, Hayado caalami ah, ama kuwa gaar ahba aan ka ahayn Dugsi sare oo hadda dhismihiisii Buuhoodle ka dhamaaday oo hayadda UNHCR dhistay balse aanay qalabayn iyo adeeg kale toona u gaysan. Waxa kale oo sanadkii 1993kii hayadda la yidhaahdo Safe the Children laba qol ka dhistay deegaanka Xadhadhan,. Sidaas awgeed gacan intaas ayaa cid kale naga soo gaadhay ilaa iyo intii burburkii Soomaaliya, balse waxaa si hagar la’aana gacan uga gaysan jiray walina uga gaysta dadweynaha deegaanada ha noqdeen kuwa gudaha jooga ama kuwa debedda ka xoogsadaba ee xilkaska ah, inkastoo ay waajib saaran ahayd anaga waxbarashada wadna iyo iyaguba hadana mar kale ayaanu mahad u celinaynaa iyaga iyo intii dib kala qayb qaadataba. 

BAAHIDA WAXBARASHADA OO KOOBAN: 
A) Tobannkii sanadood ee dawlad la’aanta Soomaaliya iyo tobankii sano ee ay dawladaasi tabarta darayd ma jiraan ama ma jirin dugsiyo lagu sameeyey dhismo cusub iyo dayactirtoona, sidaas awgeed ma yara burburka, dumista, iyo daldalookoodu 
B) Daryeelka barayaasha iyo shqaalaha kale ee waxbarashada ayaan cidna gacan toosa siin 
C) Sidoo kale qalabka waxbarashada kaaba sida qalabka fadhiga ardayda iyo xafiisyada kalkaaliyayaasha waxbarashda iyo guud ahaan agabka waxbarashada ayaa xasuus deegaanadan lagu helaa 
D) Sida loo bililiqaystay wershdihii Soomaaliya ayaa dhismayaashii iyo deegaanadii waxbarashada qaarkood loo boobay ama loo boobayaa, maantana haddii laysku dayo in xal loo raadiyo waa in kharash la isticmaalaa 
E) Burburkii Soomaaliya qof kasta waxa la baday inuu dib ugu noqdo deegaankii uu ka soo jeeday sidaas awgeed ayaa waxa jira deegaano badan oo Hawd ah oo dugsiyadoodii burbureen iyo kua hadda u baahan in laga asaaso waxbarasho si loo badbaadiyo jiilka xabadda ku indho-furay. Deegaanadaas waxaa ka mida Horufadhi, Xamarlagu xidh, banyaal, Dan-dan, iyo Balli-cad. 

Walaalayaal cid kastoo warbixintani gaartay baahiyahaas aanu boggan ku soo koobnay mar lama wada qaban karo qofna ma wada qaban karo, balse waxaanu idinku guubaabinaynaa in qof kastaa ha joogo gudaha ama debedaba e inuu awoodiisa wax soo taro dalkiisa iyo dadkiisa ( WAA CEELA UMA QODNA CIDNA UMA MAQNA). Anagu waxaanu jecelnahay cid kastoo nooga soo jawaabta warbixintan inaanu u soo celino mid kale oo ka faah-faahsan iyo wixii kale ee ay nooga baahdaan, 

ALLAA  MAHAD  LEH 
BAHDA WAXBARASHA DEEGAANKA HAWD 

Buuhoodle  03, 02, 2000 
 

Warbixinta 2aad 

Maamulka Waxabarashada Degmada Buuhoodle 

Ku: Dhammaan xoogsatada qurba joogta 
       reer Buuhoodle ee ku nool dibadiisa 

Marka hore waxaa idiin soo gudbinayaa salaan diiran iyo hanbalyo ballaaran, anigoo ah bahda waxbarashada ee reer Buuhoodle. Salaan ka bacdi waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa warbixinta waxbarashada ee degaanka Buuhoodle: 
1. Dhismaha waxbarashada: waxaa la dhisay 
    dugsiga H/dhexe ee Buuhoodle 1963 wayna 
    socotay ilaa 1990 oo ahayd xiligii uu 
    burburay qarankii ama dawladnimadii 
    Soomaaliya. 
2. Waxaa bilaabmay masiibo ku dhacday 
    dalka, si aanu uga hortagno jiilka yaryar ee 
    ubadka Soomaaliyeed dhisidda  
    aayatiinkooda waxaanu bilawnay 1992 
    waxbarashadii caadiga ahayd iyadoo aanay 
    jirin cid aanu taakulo ka jhelnaa. Waxay 
    gaadhay heer aanay gaadhin xiligii dawladu 
    jirtay taas oo maanta maraysa laga bilaabo 
   dugsiga H/dhexe ay marayso in sanadkan 
   fasalkii ugu horeeyey ee dugsiga sare galay 
   ka baxay dugsiga dhexe waxbarashada ka 
   bilaabi doono degmada iyagoo aan gobol 
   kale aadain. Sidaasi darteed iyadoo aan baaq 
   iyo qaylo dhallaan badan u dirnay dadka ku 
   nool aduunka dibadiisa intaa badina ogsoon 
   yihinn, waxaanu idin xusuusinaynaa ninka 
   warqadan sida ayaa yidhi wax raad ah  
   maanaan helin oo ku saabsan waxbarasho.  
   Inkasta uu noo yimid iyadoo lagu jiro fasaxii 
   sanadka wuu soo arkay qaabka iyo dhismaha 
   waxbarashada sida sawirka ku cad. 
   Hadaba waxaan codsanaynaa cidii 
   danaynaysa waa inay wax nagala qabataan 
   qodobadan: 
1. Dhismaha iyo dyactirka dugsiyada  
2. Qalabaynta dugsiyada wax lagu barto 
3. Dhismaha iyo qalabaynta xafiisyada 
    maamulka. 
4. Dayr ama silig lagu wareejiyo dugsiga oo 
    dadka shicibku nagu hayo duulaan 
    dhulboob. 
5. Daryeelka macalimiinta oo cidina aanay 
    siin wax taakulayna. 

Liiska Macalimiinta iyo shaqaalaha adeegga: 
1. Cabdikariin Maxamed Cilimi Maamulaha  
    waxbarashada 
2. Maxamud Cumar Cigal  Maamule ku-xigeen 
3. Axmed Cali Cawil                    Bare 
4. Axmed Cabdi Sugulle                  “ 
6. Xusen Sh. Cumar Xasan               “ 
6.  Xasan Maxamed Cabdille           “ 
7. Cabdi Maxamed Cali                   “ 
8. Maxamed Cabdillahi                    “ 
9. Aaden Cali Guraase                     “ 
10. Maxamed Ismaciil Saciid           “ 
11. Fadumo Farax Aaden                 “ 
12. Xalimo Maxamed Cabdi            “ 
13. Aamina Axmed Maxamed          “ 
14. Fadumo Mahdi Aaden                ” 
15. Ciise Seeraar Yusuf                   “ 
16. Xasan Cumar Faarax                 Ilaaliye 
17. Maxamed Cabdi Cali                  “ 

Fiiro gaar ah 
Waxaa kale oo furan dugsiyada  
1) Xadhadhan,  
2) Widh-widh, Dhaqaalaha guriga, 
3) xamar lagu-xidh 

Gudoomiyaha waxbarashada ee degmada Buuhoodle 
C/kariin Maxamed Cilmi 

Buuhoodle  11, 07, 2000 
 
 
 

 
If you need more information or want to support the project please contact: 
 208-151 Parkdale Avenue Ottawa, Ont. K1Y KV8 Tel: (613)724-6295Fax: (613) 724-4803 or 
Email: SCERD@bizland.com